Xujeyda oo Sanadkan loo sameeyo qalab Elektaroonik ah oo lagu aqoonsado

0

Sida ay maanta qoreen Wargeysyada ka soo baxa Boqortooyada Sacuudiga in xujeyda Sanadkan ku xajinaysa Baytkla alle, ay  qaadan doonaan qalab Elektaroonik ah lagu aqoonsado isla markaana amnigooda suga.

Warku wuxuu intaa ku daray in Isticmaalka qakabkaasi  Tegnaloojiyada ah, uu ciidamada amaanka ka saacidayo inay wax ka qabtaan arrimaha Xujeyda, iyo  ku aqoonsga heebtooda.

Qalabkaasi casriga ah ee Boqortooyada Sacuudiga Xajka soo socoda u sameysay Xujeyda inay xirtaan, ayaa la sheegay inuu biyaha kareyn. isla markaana daboolayo adeegyada iyo baahida Xaajiga xaq caafimaad amni intaba.

Waxuu kaloo Qalabku cadeynayaa xiliga Xaajigu soo galay dalka Boqortooyada Sacuudiga  iyo lambarka Baasaboorkiisa.

Dhanka kale si  loo xoojiyo amniga waxaa wareegga Masjidka Xaramka ee Maka Al-mukaram lagu xiray 800 oo Cameroonyin ah.