Xukuumada Soomaaliya maxay ka tiri Qaraxyada ka dhacay Muqdisho ?

0

Ugu yaraan 11 Qof ayaa ku dhimatay weerarka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde,waxaana wararku ay sheegayaan in dadka ku dhintay weerarkaasi ay dhamaantood yihiin Ilaalada Qaramada Midoobey iyo Ciidanka AMISOM oo xilligaas mas’uuliyiin ka mid ah ay goobta galayeen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/Kaamil Macallin Shukri ayaa Mustaqbal Radio,u sheegay in 11 Qof oo ay ku jiraan Ilaalada Qaramada Midoobey,Ciidanka AMISOM iyo labada Qof ee is qarxiyay ay ku dhinteen weerarkaas.

C/Kaamil,waxaa uu sheegay in weerarka oo loo adeegsaday Labo Gaari midka dambeeyay uu ahaa kan uu ka dhashay khasaaraha gaaray Ilaalada AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo xilligaasi waardiyeeynayay Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey oo galayay goobta la weeraray.

Dadka dhintay ayuu sheegay in aysan ku jirin Dad Soomaali ah,waxaana uu xaqiijiyay in dhamaantood ay ahaayeen Ajaanib.