AKHRISO:- Magacyada Dadkii ugu Caansanaa ee ku dhaawacmay Weerarkii SYL, Wasiiro,Xildhibaano iyo Wariyayaal

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa weerarka Qaraxa loo adeegsaday ee barkhanimdii maanta lagu qaaday Hotelka SYL ee ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyda Soomaaliya.

Xilliga weerarka lagu qaadayay Hotelka SYL ayaa waxaa ka socday shir looga hadlayay amniga, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta Dowladda.

Weerarka Qaraxa loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhaawacmay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta Dowladda.

Waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray Dhismaha Hotelka SYL iyo sidoo kale Guryaha halkaasi ka agdhowaa.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO HOOSE MAGACYADA WASIIRADA, XILDHIBAANADA IYO WARIYEYAASHA KU DHAAWACMAY WEERARKII SYL.

Wasiirka Dekadaha Mudane Nuur Faarax.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Xildhibaan Sugule

Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir

Agaasimaha Idaacadda Gobolka C/fataax Arizona

Wariye Maxamed Abuukar Mada = (Warbaahinta Dowladda)

Wariye Cabdi Aadan                  =   (Warbaahinta Dowladda)

Wariye C/fataax jeyte                =   (Warbaahinta Dowladda)

Wariye Mamaxed Xasan National = (Warbaahinta Dowladda)

Wariye Maxamuud Cali Xaaji (Saxafi yare)  = (Goobjoog)