AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay Weeraro Culus oo ay Al-Shabaab Xalay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose

0

Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa weerar saf ballaaran ah waxa ay ku ekeyeen Saldhigyo ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose ee Koonfurta Somaliya.

Dagaaladan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, kadib markii ciidamada Shabaabka oo si aad ah isku soo abaabulay ay weerar ku qaadeen Saldhigyada ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin deeganada Muuri, Lambar 50, Deegaanka iyo  Aala Yaasir oo dhamaantood fariisimo ciidan ay ku lahaayeen ciidamada Dowladda.

Dagaalka ayaa u muuqday mid qorsheysan oo isku saacado dhacay, waxayna Shabaabka qabsadeen qaar ka mid ah deeganadii ay weerarka ku soo qaadeen oo ciidamada Dowladda ay ka saareen, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Millateriga Somaliya.

Deegaanka Aalla Yaasir ayeey cagta saareen Shabaabka, kadib markii ciidamadii halkaasi ku sugnaa oo sidaas aanan u badneyn ay isaga carareen, markii uu ku xoogeystay dagaalka Shabaabka ay ku soo qaadeen.

Ilaa hada ma Cadda Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladan Shabaabka iyo ciidamada Dowladda ku dhexmaray xalay saqdii dhexe deeganada ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose ee ciidamada Dowladda ay ka joogeen.

Dhamaan deeganada dagaalada ay ka dhacaan ayaa waxaa yaalay Koontaroolo ciidamada Dowladda gaadiidka ay lacago uga qaadi jireen, qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa sheegay in saaka si caadi ah ay ku soo mareen goobahaasi oo aysan arkin cid lacago ka qaaday.

Xoogaga Shabaab oo ku badan Gobolka Shabellaha hoose, ayaa weeraro ku ekeeya Saldhigyada ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Gobolkaasi.