AMISOM oo ku dhawaaqday in ay Xaqiijineyso Amniga Doorashooyinka Soomaaliya

0

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Shinwaa agnency mas’ul  darajadiisu sareyso oo ka tirsan  howlgalka nabad ilaalinta Afrika Ee Somalia ee Amisom, ayaa shaaca ka qaaday in Amisom ay kala shaqeyn doonaan  ciidamada amaanka dowladda soomaaliya siddii looga horti lahaa in xarakada Al-shabaab ay carqalad ku noqoto howlaha doorashooyin ee qaran ee dalka ku  soo food leh.

Ku-xigeenka  wakiilka gaarka ah ee  guddomiyaha komishinka  Midowga afrika ee soomaaliya   Lydia Anuoto  ayaa ka sheegay  shir gaar ah oo looga arrinsanayay aayaha qabsoomiida doorashada madaxtinimo ee dalka, in  laga gaashaaman doono wax kasta oo carqaladeyn ku noqon kara  qabsoomida doorashada.

Dowladda soomaliya ayaa dhawaan sameysay guddi shaqadoodu tahay nabadgalyada,si ay u caawiyaan amaanka  nidaamka doorashada  loo mudeeyay bilaha septemper iyo October ee soo aadan,  iyadoo awoodaasi ciidana  ay matali doonaan  ciidamada ka Amisom ee dalka jooga kuwaas oo  kaashanaya  ciidamada dowladda federaalka.

Ku-xigeenka  wakiilka gaarka ah ee  guddomiyaha komishinka  midowga afrika ee soomaliya   ayaa tilmaamay in  ciidamadaani gaarka ah ay awood u leeyihiin  garashada waxa  ay sameyneynayaan iyo sida  uu yahay dha-dhaqaaqoodu si loo xaqiijiyo  awooodeena  sugida amaanka doorashada .

Kooxda  kormeerka doorashada qaramada midoobay ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dusha sare kala socon doonaan  qaabka ay u dhaceyso doorashada soomaliya  30-ka bisha October iyo tan  baarlamaankiga ah oo iyaduna ku aadan 24 bisha sempemper ee sanadkani,  taasoo Socon doonta illaa   10 october.

Taliyaha ciidamada midowga afrika u qaabilsan soomaliya osman Nor ayaa sheegay in  la  fududeyn doono  qorshaynta iyo u diyaar-garowga  dadaalada amaanka  gaarka ah iyo geedi socodka  loogu tal galay  si loo yareeyo  saameynta  xarakada Al-shabaab ay ku yelan karto  isku duwida doorashooyinka.