CADEYN+SAWIRRO:- Maamulka Jubbaland oo Banaanka soo dhigay sir ku Saabsan in Rag Kenyaan ah ay Muqdisho qaraxyada ka geystaan

0

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/Rashiid Xasan C/Nuur oo shalay magaalada Mandheera kula kulmaya madaxda Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegay in Al-shabaabka ka dagaallama gudaha Soomaaliya aysan kaliya Soomaali ahayn,islamarkaana weerarrada qaar ee ka dhacay Muqdisho ay fuliyeen Dad Kenyaan ah.

C/Rashiid Janan,waxaa uu sheegay in weerarkii 26kii Julay lagu qaaday Hotelka Naasahablood Kow ee ka dhacay Muqdisho,ay geysteen Dad Kenyaan ah oo ka tagay Mandheera.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlayay sida loo xoojinayo amniga Xadka Soomaaliya iyo Kenya,waxaana uu halkaas ka sheegay magacyada Raggii fuliyay weerarka Naasa hablood iyo kuwo kale oo qorsheeyay weerarro guuleystay oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Janan,ayaa Guddoomiyaha Mandheera Fredrick Shisia,kala hadlay sida ay labada dhinac isaga kaashan karaan sugidda amniga Xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana uu Guddoomiyaha Mandheera bogaadiyay heshiiska ay ka gaareen.

C/Rashiid,waxaa uu sheegay in Issack Dyati, Yuusuf Cabdi iyo Issack Gola, ay ka mid ahaayeen raggii fuliyay weerarkii Hotelka Naasahablood islamarkaana ahaayeen muwaaddiniin Kenyaan ah.

Waxaa uu sheegay in hadda Al-shabaab aysan ahayn kaliya Soomaali haddii ay weerar ka fulinayaan Kenya iyo Soomaaliyana ay yihiin Al-shabaab kala waddamo ah.

Kulankaas ayaa Jubbaland waxaa ku matalayay Wasiirka Amniga,Guddoomiyaha Gedo Maxamed Nuur Buulle iyo Wassir ku xigeenka Amniga Max’ed Cabdi Kaliil.

1 2 3 4 5 6