DAAWO:- Labo sano ka dib Maxaa u qabsoomay Gudoomiye Cali Guudlaawe?..

0

Labo sano ayaa ka soo wareegatay markii Guddoomiye Cali Guudlaawe Xuseen loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dad badan soo dhoweeyeen magacaabistaas, iyadoo loo arkayay inuu ahaa shaqsigii ku haboonaa xilkaas, maadaama uu ahaa shaqsi aqoon badan u lahaayeen dadka reer Shabeellaha Dhexe.

Dad badan ayaa siyaabo badan uga hadlay magacaabista Cali Guudlaawe ee Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, tan koowaad waa nin u dhashay gobolka, isla markaana waayo u joog u soo ahaa marxaladihii uu soo maray gobolka.

Mid labaad ayaa ah inuu yahay nin og baahiyaha gaarka ah ee dadka ku nool Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah dad nabada jecel, waxaana magacaabidiisa lagu soo dhoweeyay farxad iyo reyn reyn.

Inkastoo Gobolka soo maray marxalado kala duwan, waxay dad badan rumeysan yihiin in Guddoomiye Cali Guudlaawe uu ahaa geesigii guusha gacanta saaray oo fuliyay mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayay Gobolka.

Waxqabadka Guddoomiyaha uu ku tallaabsaday labadii sano ee u dambeysay waxaa ka mid ahaa inuu si sinaan iyo cadaalad u kala sooray dhamaan bulshada ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu isu furay dhamaan degmooyinka gobolka inta xorta ah oo ay wada gaartay adeegyadii maamulka dowliga ah.

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiyuhu ku guuleystay dib u heshiisiin uu kala dhex dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana dib u heshiisiinta ay u aheyd muhiimad gaar ah, markii la magacaabay balan qaaday inuu dib u heshiisiin waarta kala dhex dhigayo beelaha ku dhaqan gobolka ee dagaalo dhex maray.

Waxaa kaloo Guddoomiyaha hirgeliyay mashaariicyo kala duwan, sida dhismaha waddooyinka, xarumo waxbarasho, MCH, kawaano, dayactirka kiliyo, dhismaha xarumo degmooyin iyo saldhigyo.

Dib u howl gelinta Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa ahaa mid udub dhexaad u ah in la helo garoon diyaaradeed oo ay diyaaradaha sama falka iyo kuwa rayidka ka soo dagaan, iyadoo lixdii sano aanu shaqeyn garoonka diyaaradaha, waxaa bilowday in diyaaradaha ay si caadi ah uga soo degaan garoonka, si la mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaala gobolada dalka.

Guddoomiye Guudlaawe ayaa lagu ammaanay in si cadaalad ah uu u qeybiyay raashin gargaar oo hey’ado sama fal ay soo gaarsiiyeen Maamulkiisa, iyadoo meelo fagaare ah dad dan yar ah oo qaarkood la’ lixaadkooda gacantiisa ku gaarsiiyay.

Labadii sano ee uu Guddoomiye Guudlaawe hantay quluubta shacabka Gobolka Shabeelaha Dhexe min Tuulo illaa degmo, iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada uu furay albaabkiisa, wixii talo, cabasho iyo dhaliil ay qabaan ka qaata.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cali Guudlaawe ayaa ku guuleystay marti gelinta magaalada Jowhar ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, maadaama waxyaabaha Jowhar loogu xushay ay ka mid aheyd amniga, isla markaana maamul iyo shacab ay yihiin kuwo isku xiran oo ka wada shaqeeya amniga, bilicda iyo dib u dhiska.

W/D:- Cabdala Maxamed Muxiyadiin

2 3 4 5 6 1