DAAWO MUUQAAL CAJII AH:- 8 jir Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Sweden.

0

Magaalada Goteborg oo ah Caasimadda labaad ee Dalka Sweden waxaa ku dhintay Canug oo 8 jir Soomaali ahaa kadib markii kooxo aan haybtooda la garaneynin ay Bambo gacmeed daaqadda uga soo tuureen gurigooda.

Wiilka geeriyoodey ayaa isaga iyo qoyskiisa waxaa ay ka yimaaddeen Magaalada London waxaana ay booqasho ku joogeen guriga la weeraray, oo sida la sheegay hore looga xirey wiil dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha dil hore uga dhacay waddankaasi.