DAAWO:- Puntland oo soo bandhigtay magacyada shaqsiyaadkii ka dambeeyay Qaraxyadii Gaalkacyo iyo Beelihii ay ka dhasheen

0

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo bandhigay magacyada shaqsiyaadkii ka dambeeyay qaraxyadii lagu hoobtay ee 21-kii bishan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Puntland.

Hey’addaha ammaanka Puntland ayaa lagu wargeliyay inay soo qabtaan shaqsiyaadkaas, kuwaasoo qaar ka mid ah la soo bandhigay sawiradooda iyo magacyadooda.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Maxamed Nuur Jaamac oo loo yaqaano Bashiir Maxamed Nuur (Binu Maxamed) uu yahay Madaxa qaraxyada Al-Shabaab ee Puntland, ninkan ayaa da’diisa lagu sheegay 40-45 sano jiro.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Nuur Maxamed C/llaahi ama Nuur C/llaahi Diini oo loo yaqaano Nuur Deeq oo ku dhashay Koofurta Gaalkacyo, waa Madaxa qaraxyada iyo dilalka Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Mudug.

Waxaa kaloo la soo bandhigay magaca shaqsigii fuliyay qaraxii ismiidaaminta oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi fanax oo ah 22 jir ka soo jeeda degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale shaacisay magacyada saddex xubnood kale oo ku lug lahaa weerarkaas, kuwaasoo ka soo jeeda Koofurta Gaalkacyo iyo deegaano kale, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay C/qaadir Xaaji Yuusuf, C/shakuur Mire iyo Muxiyaddiin Daqare.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ee Gaalkacyo, waxaana ku dhintay weerarkaas dad ka badan 10 ruux.

Waa markii u horeysay ee Puntland ay soo bandhigto magacyada shaqsiyaad ay ku sheegto inay Al-Shabaab u qaabilsan yihiin qaraxyada iyo dilalka ka dhaca deegaanada ay maamusho.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 w

 

2 w