DAAWO:- Qaraxii Argagixisada Ee Maanta Ka Dhacay Hotel SYL iyo Magacyada Mas’uuliyiinta Ku Dhaawacmay.

0

Sida wararka nagu soo gaarayaan qaraxii maanta ka dhacay Hotel SYL ayaa Ugu yaraan waxaa ku geeriyooday 15 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 qof, kadib markii weerar loo adeegsaday gaari oo maanta ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, oo Xiligaas uu ka socday shir looga hadlayay Amniga.

Hoteelka la Qarxiyay ayaa waxa uu kasoo horjeedaa Xarunta Madaxtooyada Somalia, halkaasi oo xiliga weerarka aheyd mid mashquul badan.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Qaraxan ay ku dhaawacmeen Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Dowladda Somalia iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta Qaranka oo halkaasi ku sugnaa.

HOOS KA AKHRISO LIISKA WASIIRADA & XILDHIBAANADA DHAAWACMAY:

1‐Wasiirka Dhalinyarada iyo Isbootiga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo la sheegay inuu ka dhaawacmay Madaxa iyo Garabka.

2‐Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Nuur Faarax Xirsi oo isna uu soo gaaray dhaawac fudud oo u badan qeybaha sare ee jirkiisa.

3‐Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaga oo xilliga qaraxa hotelka ku sugnaa.

4‐Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

5‐Xildhibaan Caasho Koos oo uu dhaawac kasoo gaaray oogada sare iyo gacmaha.

6‐Xildhibaan Food oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

7‐Xildhibaan Saciid oo dhaawaca uu kasoo gaaray Madaxa

8‐Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed waxaa soo gaaray dhaawac fudud

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA WERIYAYAASHA KA DHAAWACMAY WARBAAHINTA.

1‐Agaasimaha SNTV C/naasir Xuseen
2‐Weriye C/fitaax Daahir Jayte
3‐Weriye Maxamed Xassan National
4‐Camero man la dhashay Liibaan Cali Nuur