DAAWO:- Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka oo la kulmay Danjire Francisco Madiera iyo Taliyaha AMISOM

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa la kulmay Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madiera iyo taliyaha howlgalka midowga Afrika ee AMISOM Jenaraal Cismaan Nuur Subagle.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kala hadlay Danjiraha iyo taliyaha xaalada amniga guud ee dalka iyo sidii loo kordhin lahaa weerarada ka dhanka ah kooxa nabadiidka, sidoo kale Mudane Carteh ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika dadaalada ay ugu jiraan xasilinta dalka.

‘’Kooxa nabaddiidka waxey ka soo horjeedaan jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, waan inaan laba laabnaa anagoo is garabsaneyna weerarada aan ku ciribtireyno argagixisada si dadka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan’’

Mr. Carte ayaa Danjire Madiera iyo Jeneraal Subagle u sheegay in xukuumadda ay ka go’antahay in la tayeeyo ciidamada Soomaaliya si ay u la wareegaan amniga guud ee dalka markuu dhamaado waqtiga ciidamada AMISOM.

‘’Xukuumadda waxey dadaal dheeri ah ku bixineysaa dib u dhiska iyo tayeeynta ciidankeenna si ay awood ugu yeeshaan in ay hantiyaan amniga dalka kadib marka uu dhamaado mudada howlgalka ciidamada AMISOM’’.

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa ka codsaday Danjiraha iyo Taliyaha iney kordhiyaan dadaalka ay ugu jiraan xasilinta dalka iyo la dagaalanka kooxa nabadiid ka ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3