DAAWO SAWIRADA:- Hogaamiye Sare oo ka tirsan Kooxda Daacish oo la dilay

0

Abuu Maxamed Al-Cadnaani oo ahaa afhayeenkii kooxda Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa la sheegay in la dilay.

Sida ay baahisay wakaalada wararka Amaq ee raacsan kooxda Daacish afhayeenka ayaa lagu dilay magaalada Xalab ee wadanka Siiriya isagoo maanta kormeeraya goobaha dagaalka ee kooxdiisa ay difaacyada kaga jiraan.

Marka laga soo tago warka ay faafisay Daacish ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya qaabka uu u dhacday dilkiisa iyo cida dishay.

Abuu Maxamed Al-Cadnaani ayaa ka mid ahaa xubnaha mudada dheer ka midka ahaa kooxda Daacish oo xiligan awood badan ku leh qeybo ka mid ah woqooyiga dalka Ciraaq & weliba bariga iyo woqooyiga wadanka ay deriska yihiin ee Siiriya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2