DAAWO SAWIRADA:- Marxuum Maxamed Cali Samatar oo goor dhaw lagu aasay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya

0

Alle ha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Soomaaliya, xilal kala dawana ka soo qabtay dowladdii Milatariga Soomaaliya ee General Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta Aas Qaran Loogu Sammeeyay, dhismaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Ka hor inta aan la aasin Marxuumka ayaa Madaxda iyo Dadweynaha ay Salaad Janaaso ah kula tukadeen Xarunta Wasaaradda gaashaandhigga, halkaas oo marxuumka loogu duceeyay, laguna aasay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 A 2 A 3 A 4 A 5 A 6 A