DAAWO SAWIRADA:- Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed oo kormeeray Saldhigyada Booliiska Magaalada Gaalkacyo

0

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xarumaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Generaal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa saraakiisha ciidanka Booliska Galmudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ka xog wareystay xaalada ay ku shaqeeyaan ciidanka Booliska dowlad goboleed Galmudug.

Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinayay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Booliska maamulka Galmudug.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Mudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed u sheegay in ay heystaan dhibaatooyin kala duwan ciidanka Booliska   magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

2 3 4 5 6 7 8 1