Dad loo soo qab qabtay weerarkii lagu qaaday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga

0

Iyadoo xalay Labo Bambo gacmeed lagu weeraray Guriga degmaa Xamar Weyne uu ka degan yahay Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali xagaa ayaa Howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga waxaa lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo laga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarka.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada xamar-weyne ayaa Risaala u sheegay in dadkan la soo qab qabtay baaritaano ay ku socdaan cidii dambi waayo la sii deyn doono halka kuwii dambi lagu helana sharciga la marsiin doono.

Inta la xaqiijiyay Bambo gacmeedka lagu weeraray Guriga degmaa Xamar Weyne uu ka degan yahay Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay Qof shacab ah halka 3 ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkii xalay lagu qaaday Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali xagaa.