DEG DEG:- Ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo isku dhiibay Maamulka Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in sargaal ka tirsan ururka Ahlusunna uu isku dhiibay maamulka Galmudug.

Sarkaalka Isdhiibay ayaa lagu magacaabaa  C/risaaq Cali Tubaako , waxaana la sheegaya in uu wato koox ciidamo ah oo ka soo goostay maamulka Ahlusuna sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug.

C/risaaq Cali Tubaako ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Maamulka Ahlusuna ayaa ka taliya qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Galgaduud , waxaana ay  kasoo horjeedaan maamulka Galmudug.

Majiro war kasoo baxay maamulka Ahlusuna oo looga hadlay sargaalkan isku dhiibay ciidanka maamulka Galmudug.