DEG DEG:- Ciidanka Amaanka Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Haweeney Hubeysan

0

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay Haweeneey Hubeysan sida ay aan ka soo xiganay Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka Soomaaliya.

Haweeneydaan oo Wadatay Qori Ake-47  ayaa Ciidanku ay ku qabteen Isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho,waxaana Ciidamada Amnigu ay wadaan Su’aalo weydiin lagu ogaanayo waxa ay Damacsaneyd.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa Degmooyinka Muqdisho ka wada Baaritaano Amniga lagu adkeynayo.