DEG DEG:- Dab xoogan oo goordhow ka kacay Xaafad ka Mid ah Muqdisho

0

Dabkan ka kacay goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Dabkan ka kacay halka loo yaqaano Baar Jowhar, iyadoona dabkan uu sidoo kale uu ku fiday goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Dadka Degaanka qaarkood  ayaa tilmaamay dabka weli aan la damin, waxaana ay xuseen in aan lagu guuleysan damintiisa.

Weli lama shacaacin waxa keenay dabkaasi.

Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dabkaasi.

La Soco Wixii soo kordha…