DEG DEG: Gaari AMISOM ay wateen oo Gaari BL-ah ku jiiray Muqdisho iyo dad badan oo ku dhintay

0

Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Afisiyooni ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kolonyo AMISOM ah ay halkaasi ku jiireen Gawaarida shacabka ay raacaan ee loo yaqaano BL-ka.

Gaariga BL-ka ah ayaa ka yimid KM4 waxaana uu ku sii jeeday Xamar Weyne halka Gawaarida AMISOM ay ka yimaadeen dhanka Xamar Weyne iyagoo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo 6 Qof ayaa ku dhaawacantay oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Gaariga BL-ka, waxaana la sheegay in AMISOM ay wado qaldan ku socdeen.