DEG DEG:- Gabar Soomaaliyeed oo ku dhimatay Ceel ay ku dhacday Dalka Masar

0

Wararka laga helayo Dalka Masar  ayaa sheegaya in  Ardayad Soomaaliyeed  oo ku guda jirtay sanad daraaseedkeedii  labaad ee  kulliyadda Caafimaadka jaamacadda  Garbi Kurdufaan ay Dhimatay kadib markii sida la sheegay ay  ku dhacday Ceel ku dhex-yaala Jaamacadda ay dhiganeysay..

Ardayadda Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo  Caasho Bashiir  oo daganeyd mid kamid ah  Guryaha jamaacadda ay dhiganaysay oo sidatay Ashuun si ay u dhaansato Biyo ay ku weysa qaadato ayaa ku dhacday  ceelka oo Af  banaanaa.

Sida uu warku dhigayo Marxuumadda ayaa ceelka ku jirtay hal saac iyo  ugu danbeyntiina  ay ka soo saareen shaqaalaha ilaalada guduha iyadoo ay nattïf ku jirto .

Ila wareedku waxaa uu caddeynayaa  in ay soo raagtay hal saac iyo bar kale gaadiidka anmabsku  si ay uqaado ardayadda,  sidaasina ay ku naf baxday.

Safaaradda Soomaalida ee Dalka Masar weli kama hadlin Dhacadaan ka dhacday dalka Masar,