DEG DEG:- Howlgallo Dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Baardheere

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Howlgallo Gaar ah ay ka socdaan Degmadaasi.

Howlgaladan ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii xalay Qarax uu ka dhacay Masjid ku yaala Degmada Baardheere.

Masjidka ayaa Bambo Gacmeed lagu tuuray xilli ay ka soo baxayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Baardheere iyo waliba dad shacab ah oo salaadii Cishaha Masjidka ku soo Tukaday.

Qaraxa xalay lagu tuuray Masjidka ku yaala Degmada Baarhdeere ayaa waxaa ku dhaawacantay 10 Qof oo ay ku jiraan Gudoomiyaha Degmada, Xoghayaha Dhanka Amniga, Askar iyo waliba dad shacab ah.

Howlgalada ka socda Degmada Baardheere ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qab qabtay dad kor u dhaafaya 10 Qof kuwaas oo la xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen Qaraxii xalay ka dhacay Degmada Baardheere.

Mudooyinkii dambe waxaa Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ka socday Howlgallo Shabaab looga saarayo Deegaanada ay kaga sugan yhiin Gobolka Gedo.