DEG DEG: Kooxo hubeysan oo Dil ka geystay Dharkeynley

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in koxo hubeysan goor dhow ay degmadaasi ku dileen Sarkaal hore oo ka tirsanaa Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa xilliga la dilayay waxa uu maraayay meel udhow Isgoyska Mac-macaanka ee degmada Dharkeynley, waxaana magaciisa lagu sheegay Yaxye Xaaji Cali.

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay dilka ugeysteen Sarkaalka horey uga tirsanaan jiray Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya, kadibna ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamada amaanka iyo maamulka degmada Dharkeynley ayaa waxa ay gaareen goobta lagu dilay sarkaalka, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano dheeraad ah.