DEG DEG:- Madaxweynaha Puntland oo u duulay Dalka Turkiga

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi la socda oo Maalmahaan ku sugnaa Itoobiya ayaa u dhoofay Wadanka Turkiga sida ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu Casuumaad ka helay Dowladda Turkiga islamarkaana uu halkaa u Duulay,iyadoo lagu waday inuu tago Magaalada Gaalkacyo oo ay dhawaan ka dhaceen Qaraxyo Is xig xiga.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali iyo Xubnaha ku weheliya Safarkiisa weli lama shaacin.

Dowladda Turkiga ayaa Saaxiib dhow la ah Soomaaliya,iyadoo Magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Garow iyo Hargeysa ay ka fuliyaan Mashaariic kala duwan.