DEG DEG:- Meydka General Maxamed Cali Samatar oo goor dhaw Garoonka Muqdisho laga soo dajiyo

0

Meydka Alle ha u naxariisto General Maxamed Cali Samatar ayaa goor dhaw laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa Masuuliyiin ka tirsan labada golle ee Dowlada, Saraakiil Ciidan, Masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo shacab aad u fara badan.

Ilaa hada ma cada halka lagu aasayo Marxuumka lkn saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in la shaaciyo halka lagu aasayo iyo halka Janaasada lagula dukanayo.

Wixii soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com..