DEG DEG:- Qarax Xoogan oo Caawa ka dhacay Masaajid ku yaalla Magaalada Baardheere iyo Khasaaro ka dhashay

0

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Baardheere ee gobalka Gedo kaas oo ay ku dukanayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Wariye ku sugan magaalada Baardheere ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ahaa Bam gacmeed lagu tuuray Masaajidka, xili dadku ay soo baxayeen oo ay Tukadeen Salaada Cishaha.

Inta la ogyahay ku dhawaad 10-ruux ayaa ku dhaawacantahay Qaraxaan, kuwaas oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo waliba dad shacab ah.

Xaalada ayaa haatan degan ciidanka amaanka ayaana wada howlgalo baari taano ah, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere.