DEG DEG:- Qarax Xoogan oo goor dhaw ka dhacay Maqaayad ku taalla Agagaarka Xeebta Liido

0

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Xeebta Liido ee degmada C/casiis ee Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay Maqaayada Banaadir Beach oo u dhaw Xeebta Liido ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxaana ka dib goobta uu Qaraxa ka dhacay ka bilowday Rasaas Xoogan.

Ilaa hada lama ogo khasaaraha rasmiga ah ee Qaraxaasi ka dhashay waxaana weli la maqlaya Rasaas Xoogan.