DEG DEG:- Rag lala Xiriirinayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

0

Afhayeenka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ciidamada amaanka ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir lagu qab qabtay labo nin oo la tuhunsanyahay in ay katirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in labada nin laga qabtay agagaarka Dabakaaya madow, oo katirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, islamarkaana iminka ay ku jiraan gacanta ciidamada amaanka Soomaaliya.

“Ciidamada amaanka ayaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir kasoo qabtay laba nin oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, gacanta ciidanka ayey kujiraan walina baaritaano ayaa socda”ayuu yiri afhayeenka.

la soco Wixii soo kordha…