DEG DEG:- Ragii Fuliyay Weerarkii Makhaayadda Banaadir Beach ee Muqdisho oo la sheegay in ay u dhasheen Dalka Kenya

0

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Dagaalameyaashii ka tirsanaa Al-shabaab ee Weerarka isugu jira Isqarxinta iyo midka Tooska ah ku qaaday Makhaayadda Banaadir Beach ee Xeebta liido iyo kuwii Isku Qarxiyay Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ay u dhasheen Dalka Kenya.

Illo Wareedyo lagu Kalsoonaan karo ayaa noo Xaqiijiyay in Dagaalameyaasha ka tirsanaa Shabaab ee Fuliyay Weerardii ka dhacay Banaadir Beach iyo Waqooyiga Gaalkacyo ay ahaayeen Kenyaan.

Hay’addaha Amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale Gacanta ku haya mid ka mid ah Dableeydii Weerartay Makhaayadda Banaadir Beach ee Xeebta Liido ku taalla oo dhaawac ah,iyadoo Hay’addaha Amniga ay Su’aalo weydiinayaan.

Al-shabaab ayaa waxaa ka Barbar Dagaalama Ajaanib Fara badan,iyadoo Kenyaankuna ay qeyb ka yihiin.

la soco Wixii soo kordha..