DEG DEG:- Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo Shaqo Joojin Sameeyay Saaka

0

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ayaa Saakay sameeyay Shaqo Joojin sida ay noo sheegeen Qaar kamid ah Shaqaalaha Garoonka.

Shaqaalaha ayaa ka Cabanaya Mushaar la’aan,waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Gacanta ku haya Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga oo la yiraado Favori.

Wararka ayaa intaa ku daraya in aysan Saaka jirin wax Shaqo ah oo Garoonka ka socota,iyadoo Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ay hor dhooban yihiin Banaanka Garoonka.

Weli ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ku aadan Shaqaalaha ka Cabanaya Mushaar la’aanta.