DEG DEG:- War aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Gobolka Bakool iyo dagaal toos ah oo..

0

Wararka aan ka heleyno Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM lagu weeraray inta u dhexeysa Rabdhuure iyo deegaanka Buulo-Dhuxulle ee Gobolkaas.

Waxaana weerarkaas uu ku bilowday Qarax lala beegsaday mid ka mid ah Kolonyada Ciidamadaasi ay la socdeen.

Intaas kadib ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ahaa ee  Dhexmaray Ciidamada Ethiopia iyo Xarakada Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in ay arkayeen mid ka mid ahaa Gaadiidka Ciidamada Ethiopia oo gubanaya.

Lama oga illaa iyo iminka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas oo  Al Shabaab ay ku qaadeen Kolonyada ay wateen Ciidamada Ethiopia.

la soco Wixii soo kordha…