DEG DEG:- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Caawa Bambo gacmeed lagu weeraray

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayan in Bambo gacmeed lagu weeraray Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Guri uu ka degan yahay degmada Xamar Weyne.

Ilaalada Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ayaa iska caabin ku sameeyay kooxihii Bambo gacmeedka soo tuuray, waxaana ay ku rideen Rasaas fara badan.

Bambo gacmeedka lagu weeraray Guriga Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 Askari oo ka tirsan iaaladiisa.

Xaalada goobtii ay wax ka dhaceen ayaa waxaa soo gaaray Maamulka degmada Xamar Weyne iyo ciidanka amaanka waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka caawa lagu qaaday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali.