DEG DEG:- Weerar Toos ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

0

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay kadib markii Nin Hubeysan uu Askari ku dilay Isgoyska Bakaaraha ee degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in Nin Bastoolad ku hubeysan uu Isgoyska Bakaaraha ku dilay Askari Ciidanka Minishiibiyada ka tirsan , iyadoo Askari kale uu toogtay Ninka falkaasi dilka ah geystay.

Sidoo kale Rasaasta lagu tooganay Ninka Askariga dilay ayaa haleeshayq qof shacab ahaa oo ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceen.

Sidaas tirada falkaas ku dhimatay ayaa ah 3 qof oo Mid Askari yahay, midna Nin la sheegay in uu Askariga dilay iyo qofka 3aad oo ah qof shacab ahaa ee aagaas ku sugnaa.