DEG DEG+WAREEGTO:- Puntland oo mamnuucday Gaadiidka ka galaya bartamaha iyo Koofurta deegaanada Puntland

0

Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa soo saaray warqad wareegto ah taas oo lagu xusay in laga bilaabo 1/9/2016 ay joojiyay Maamulka Puntland gadiidkii Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka imaanayey oo toos ugu kala gudbayey guud ahaan dalka.

Afhayeenka Madaxwaynaha Maamulka  Puntland mudane C/laahi Maxamed Jaamac Quraan-Jecel oo saxaafada u akhriyey warqada wareegtada ah ayaa sheegay guud ahaan gadiidka kaladuwan ee u raran Puntland inay rarka ay sidaan ku dajinayaan magaalada Gaalkacyo kadibna ay ku wareejiyaan gadiidka kale.

Dhankale Afhayeenka, Puntland ayaa soo hadal qaaday gadiidka qaadka ka keena koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaas oo Gaalkacyo ka soo gala koonfurta waxaana uu sheegay inaysan laga bilaabo mudda kor lagu soo xusay aysan jiri karin gaari qaad sida oo kasoo gala loona ogolyahay inay kala soo degaan magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo.

Wareegtadan oo shalay ka soo baxday Xafiiska Madaxwayne ku xigeenka ayaa maanta loosoo bandhigay Warbaahinta magaalada Gaalkacyo.

Quraan Jecel,ayaa arrintan u sababeeyay in ay tahay xaqiijinta amniga degaannada Maamulka Puntland.

Hoos ka Akhriso Wareegtada:-

Wareegto-768x1024