DHAGESO:- Maamulka Jubbaland “Raggii fuliyay weerarkii Hotel Naasa-Hablood Kenyaan ayaa ku jiray”

0

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa sheegay raggii weeraray Hotelka Naasa Hablood (One) 26-kii Bishii June ee sanadkaan inay ku jireen dad u dhashay dalka Kenya.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Amniga Jubbaland wuxuu ka sheegay Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, xilli uu kulan amniga ku saabsan la qaadanaayay Saraakiisha ammaanka Magaalada Mandhera ee dalka Kenya.

C/rashiid Janan, wuxuu sheegay xubnaha Kenyan-ka ah ee weerarkaasi qaybta ku lahaa inay ka tageen Magaalada Mandhera, ayna sii mareen deegaanada Shabaabka ay joogaan.

Xubnaha qaar ee weerarkaasi fuliyay ayuu magacyadooda ku sheegay Issack Dyati, Yuusuf Cabdi iyo Issack Gola, ay ka mid ahaayeen raggii fuliyay weerarkii Hotelka Naasa hablood islamarkaana ahaayeen muwaaddiniin Kenyaan ah.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Saraakiisha Kenya u sheegay weerarada ka dhaca Somaliya iyo gudaha Kenya inaysan fulin kaliya dagaalyahano Somali ah oo Shabaab ka tirsan, balse qaar ay fuliyaan muwaadiniin dalka Kenya u dhashay.

Maalintii weerarkaasi uu dhacay ee 26-kii Bishii June, Dowladda Somaliya ayaa soo bandhigtay meydadka saddex ruux oo ciidamada ammaanka ay toogteen, kuwaasi oo lagu sheegay raggii weerarka fuliyay.