DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo faah faahin ka bixisay Sababta ka dambeysay iney Weeraraan Hotel SYL iyo dadkii ay ku bartilmaameedsadeen oo ay shaaciyeen

0

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerarkii ka dhacay Hotelka SYL kaas oo horay masuuliyadiisa ay u sheegteen Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay mid kamid ahaa ciidamada ururka oo gaarigiisa ku beegsaday hotelka xili ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan dowlada sida wasiiri iyo xildhibaano.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kalw ka hadlay khasaaraha dhabta ah ee dowladda Federaalka ka gaaray kadib weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay afafka Hore ee Madaxtoooyaa , dhimashada askarta iyo saraakiisha ayuu ku sheegay inay sii caga cageyneyso afartameeyo halka dhaawacuna uu ka badanyahay 70 qof.

Sheekh Cali Dheere ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya iyo hareeraheeda uga digtay qaadashada Kaarka aqoonsiga Dowlada Hoose oo dhibaato dhan walba ah ukeenaya bulshada waa siduu hadal u dhigee.

Al-Shabaab ayaa shalay Qarax khasaaro badan gaystay waxay ku weerareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxda dowlada Soomaaliya ayaa dhamaantood si aad ah u canbaareeyay weerarkaan Al-Shabaab ay ka gaysteen magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-