DHAGEYSO:- AMISOM oo beenisay in Askar ka tirsaneyd oo ibineysay Shidaal in lagu Xeray Muqdisho

0

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beeniyay in Askar ka tirsan Ciidankooda lagu qabtay Muqdisho iyaga oo iibinaya Shidaal.

War ay soo saareen  Howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya  ayaa lagu beeniyay in ciidanka Nabad suggida Soomaaliya ay Muqdisho ku qabteen xubno ka tirsan ciidanka AMISOM oo shidaal ku iibinaayay Muqdisho.

Ciidanka AMISOM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay Isniintii qabteen xubno ka tirsan ciidanka AMISOM oo Muqdisho ku iibinaayay agab loogu tala galay ciidanka AMISOM iyo sidoo kale Shidaal.

Maxkamada Millateriga dalka Uganda ayaa horay u xukuntay 17 Askari oo ka tirsan howlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Uganda kadib markii lagu helay dambi ah inay shidaal iibinaayay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-