DHAGEYSO:- Ammaanka Magaalooyinka ka mid ah dalk Kenya oo la adkeeyay

0

Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya dowladda Kenya waxa ay si weyn u adkeysay ammaanka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Kenya.

Ilaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ay jirto cabsi xoogan oo ku aadan in ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadan dalka Kenya.

Gudoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in ay Al-Shabaab doonaayaan in ay weeraraan xarumaha muhiimka ah ee dalka Kenya , gaar ahaan degmada Mandera.

Waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab burburiyeen Qaar ka mid ah  ceelashii biyaha gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha ayaa qiray in ay Al-Shabaab burburiyeen xarumaha isgaarsiineed taasina ay sameyn ku yeelatay dadka shacabka ah.

Madaxda dalka Kenya ayaa sheegay in ay Al-Shabaab Cuuryaamiyeen Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay adkeen doonaan ammaanka magaalooyinka Mandera iyo Garissa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-