DHAGEYSO:- Ciidanka Puntland oo baadigoobaaya xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Howlgalo Culus oo socda

0

Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa bilaabay baadi goobka rag lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab oo ku sugan deegaanada maamulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay magacyada hogaamiyeyaal ay sheegeen in ay ka tirsan Al-Shabaab , kuwaa soo ay ugu baaqeen shacabka kunool Gaalkacyo sidoo kale magaalooyinka kale ee puntland in ay gacanta kusoo dhigaan.

Labada nin ee laga baadigoobaayo magaalooyinka Puntland ayaa la sheegay in ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen gobolka Mudug , waxaana lagu sheegay xilalka ay hayaan Madaxa qaraxyada ee Gobolka Mudug iyo Madaxa Qaraxyada iyo dilalka ee Puntland.

Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ay howgallo xoogan oo ay ku baadigoobayaan raggaasi waxa ay ka bilaabeen magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, iyo sidoo kale magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland.

Cabdiraxmaan Xaaji Abshir taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Danab ay howgal balaaran ay ka wadaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayna kusoo qabteen dad lagu tuhmaayo in ay Shabaab xiriir la leeyihiin.

Cabdiraxmaan Xaaji Abshir taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka maamulka Puntland ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dadka lagu tuhmaayo in ay gacan saar la leeyihiin ururka Al-Shabaab.

Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa laba jibaaray howgallada ay ka wadaan deegaanada iyo sidoo kale magaalooyinka Puntland , tan iyo markii Qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-