DHAGEYSO:- Dowladda Qadar oo sheegtay in ay xoojineyso dib u dhiska Ciidanka Xoogga Soomaaliya

0

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay xoojineyso dib u dhiska Ciidanka, Qalabeynta Ciidanka iyo sidoo kale horumarada xagga Difaaca ee Ciidamada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Difaaca Dowladda Qatar ayaa sheegay Wasaaradda Difaaca Qatar in ay gacan ka geysan doonto dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo xoojinta ammaanka Xeebaha Dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Difaaca Dowladda Qatar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Difaaca Qatar ay wado qorshe  tababaro lagu siinayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo in ay ka taageeraan dib usoo nooleynta hantidii uu lahaa Ciidanka Xoogga Dalka, sida Warashadihii Ciidanka.

Ugu dambeyntii Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii is Qarxinta ahaa ee shalay lagu qaaday Hotelka SYL, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 30 Qof, waxaana weerarkaas Mas’uuliyadiisa sheegtay Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-