DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo Safiir u magacawday Boqortooyada Bahreyn

0

Danjire Daahir Maxmuud Geelle, ayaa nuqulka warqadihiisa aqoonsiga ee Danjirnimo gudoonsiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Bahreyn Sheekh Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa.

Danjire Daahir Maxmuud Gelle, oo isla markana ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga,waxa u Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahreyn u sheegay inay Soomaaliya ku dadaalayso horumarinta cilaaqaadka dhinacyada badan leh ee ay la leedahay Boqortooyada Bahreyn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Bahreyn Sheekh Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay Safiirka cusub oo Dawlaadda Soomaaliya u magacawday dalkiisa, wuxuuna u ballan qaaday inuu gacan ku siin doono gudashada waajibaadkiisa safiirnimo.

Danijire Daahir Maxmuud Geelle, ayaa waxa u haatan si rasmi ah ugu shaqeeya Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad.

Hoos ka Dhageyso Codka:-