DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay u diyaar garowday Marti gelinta Shirka IGAD

0

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in ay meel Wanaagsan mareyso qaban qaabada Marti gelinta Shirka Urur goboleedka IGAD oo bilowga Bisha soo socota lagu wado in Muqdisho lagu qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u diyaar garowday Marti gelinta Shirka isla markaana la diyaariyay wax walbo oo la xiriira shirka.

Waxa uu tilmaamay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay farxad gaar ah u tahay in mar kale Muqdisho lagu qabto Shirka Wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.

Hoos ka Dhageyso Codka:-