DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Gaari AMISOM ah oo dad badan Muqdisho ku Laayay

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa kolonyo AMISOM ah oo Gawaarida shacabka ay raacaan ee loo yaqaano BL-ka ku jiiray inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Afasiyooni.

Gaariga BL-ka ah ayaa ka yimid KM4 waxaana uu ku sii jeeday Xamar Weyne halka Gawaarida AMISOM ay ka yimaadeen dhanka Xamar Weyne iyagoo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo 7 Qof ayaa ku dhaawacantay Gaariga BL-ka ah ee ay Gawaarida ciidanka AMISOM ku jiireen magaalada Muqdisho, mana jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay shilkaasi.

Dadka ku dhaawacmay dhacdadan waxaa ka mid aheyd Haweeney uur leh oo la socotay Gaariga BL-ka ah ee ku sii jeeday Xamar Weyne, waxaana jira dhaawacyo halis ah oo soo gaaray qaar ka mid ah dadkii saarnaa Gaarigaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Gawaarida AMISOM ay ku socdeen wado qaldan taasina ay keentay in ay khasaare u geystaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Goobjooge lagu magacaabo Xeydar Axmed Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la qabtay kolonyada ciidanka AMISOM ee dhibaatada geysatay.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-