DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Guri ku soo dumay qoys deganaa Degmada Shangaani iyo Khasaaro ka dhashay

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Guri ku yaalla Degmada Shangaani oo xalay ku soo Dumay Qoys Deganaa Guriga.

Guriga ayaa waxaa ku noolaa Hooyo iyo Saddexdeeda Caruur oo mid ka mid ah uu ahaa Canug 7 Cisho Dhalan.

Guriga soo Dumay ayaa waxaa ku dhintay Hooyada Qoyska oo magaceeda lagu sheegay Xabiibo Cabdulle iyo Canug 7 Cisho dhalan kaas oo lagu magacaabo Cusmaan Mowliid Cumaan, waxaana Guriga soo Dumay ka badbaaday 2 Gabdhood oo ay dhashay Hooyada dhimatay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay gaareen Goobta uu ku soo Dumay Guriga, waxaana ay sameeyeen Gar gaar lagu badbaadinayo dadka ay dhibaatadu qabsatay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Guriga soo Dumay uu ahaa mid Duqoobay oo sanado badan dhisnaa, isagoo dhanka kale sheegay Qoyska Guriga uu ku soo Dumay in ay ahaayeen dad iska Danyar.

Allaha Unaxariistee Hooyo Xabiibo Cabdulle iyo Canugeeda 7-da Cisho dhalanaa ayaa lagu wadaa in maanta lagu Aaso Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-