DHAGEYSO:- Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerar Xalay ka dhacay Masaajid ku yaalla Magaalada Baardheere

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Qaraxii xalay ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Inta la xaqiijiyay 9 Qof ayaa ku dhaawacantay Qaraxaasi oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, Saraakiil ciidan iyo Gudoomiyihii degmada Baardheere.

Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Baardheere Ibrahim Daahir Shacab ayaa sheegay in Qaraxan ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 9 Qof balse aysan jirin wax dhimasho ah.

Wuxuu sheegay Qaraxan dadka ku dhaawacmay in ay u badnaayeen Askartii la socotay Gudoomiyaha Degmada sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo culus.

Ciidanka amaanka ayaa waxa ay bilaabeen Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo inkastoo aysan jirin Howlgaladaasi wax dad ah oo lagu soo qab qabtay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-