DHAGEYSO FALANQEYN:- Yaa ka dambeeya Qaraxyada, Dilalka, Sideese Gaalkacyo nabad u noqonaysaa ?

0

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid saameyn siyaasadeed oo weyn ku leh guud ahaanba gobalada Puntland, waxaana bishan Augusto ay u ahayd maalmo ay magaalada hareeyeen qaraxyo iyo rabshado ay qeyb ka ahaayeen Galmudug.

Idaacadda Daljir ayaa qabatay dood xasaasi ah oo ay ka qeybgaleen Xildhibaan Cabdi Bare Yusuf Jibriil, Nabadoon Yaasiin Cabdisamad & Taliyaha ciidamada Booliska ee gobalka Mudug Cabdiwaaxid Cabdille, taas oo si aad ah loogu falanqeeyey arrimaha amaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Intii ay doodan socotay waxaa diirada la saaray arrimaha qaraxyada Ismiidaminta ah cida ka dambeysa, Halka laga soo abaabulo iyo arrimaha ku saleysan xaaladda magaalada Gaalkacyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO