DHAGEYSO:- Galmudug oo sheegtay in Puntland ay Ciidamo badan soo dhoobtay Xadka ay wadaagaan labada Maamul

0

Wasiiro dowlaha Arrimha gudaha ee Maamulka Galmudug Cumar Maxamed Gureey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay Ciidamo badan soo dhoobeen Xadka ay Maamulkooda la wadaagaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay colaad hor leh ka abuureyso xadka ay la wadaagaan isla markaana aysan wanaagsaneyn in dagaal kale uu ka bilowdo deegaanadaasi.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan iyo Xiisad colaadeed ee u dhaxeysa labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-