DHAGEYSO:- Goobaha ay ka howl galayaan Ciidankii la geeyay Magaalada Jowhar oo la shaaciyay

0

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle carfaaye ayaa sheegay in ciidamadan uu soo diray Taliyha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, isagoo sidoo kalena sheegay in ciidamo kale oo Boolis ah la keeni doono magaalada Jowhar oo ay taalo shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sheegay in ciidamadan ay si aad ah u sugi doonaan amniga guud ee magaalada Jowhar gaar ahaan goobta uu ka socdo shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayday in ay maamul usameyso Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe balse dowladda ilaa iyo hada wax muuqda kama aysan soo saarin shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo sanadkan la filayo in dalka ay ka dhacdo Doorasho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-