DHAGEYSO:- Guddi ka shaqeynaya dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo la sameeyay

0

Dowladda Soomaaliya iyo urur Goboleed IGAD ayaa isla gartay Sameynta guddiga ka shaqeeya dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddigaan ayaa la sheegay in uu ka koobnaan doonto Dowladda Soomaaliya, Urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo sidoo kale xubno kala socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  ay muhiim tahay guddiga loo dhisay in ay dhisaan maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadka kunool Hiiraan iyo Shabeelaha ay ka qeyb qaataan doorashooyinka  lagu wado in ay dalka ka dhacaan sidaas darteedna ay muhiim tahay in la dhiso maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Hoos ka Dhageyso Codka:-