DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Gaalkacyo oo ka hadlay Cida ka dambeysa Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa sheegay in aysan sameyn ku yeelan doonin Qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay sii amba qaadaan horumarkii ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay in dhismayaasha iyo sidoo kale soo kabayasha magaalada Gaalkacyo ay dib u bilaabi doonaan , islamarkaana ay ku dadaalayaan in uusan hakad ku imaan howlihii ka socday magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gaalkacyo ayaa Qiray in xarunta dowladda hoose oo uu maamulkiiso ku shaqeeyo  uu soo gaaray burbur xoogan , islamarkaana dayactir ay ku bilaabi doonaan.

Dhawaan magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Qaraxyo xoogan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof tiro intaas ka badana ay Dhaawacmeen , waxaana sidoo kale uu burbur soo gaaray xarunta dowladda Hoose iyo sidoo kale Suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

maxamed yaasiin Axmed Tumay