DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay arimo la xiriira Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo Somaliland

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee dalka ayaa waxa ay ka hadleen qaabka loo maareynayo xildhibaanada Baarlamaanka ka soo galaya Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare hadii laga gaari waayo dhismaha loo sameynayo Labadaasi Gobol.

Abuukaate Cumar Dhegey oo ah Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee dalka ayaa wuxuu sheegay in qorshe gaar ah loo sameynayo xubnaha qaabka ay ku imaanayaan kuwaas oo ka imaanaya xildhibaanada Baarlamaanka iyo xildhibaanada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sidoo kale sheegay Abuukaate Cumar Dhegey in ay ku imaan doonaan qaabka haatan lagu keenayo xubnaha ka imaanaya Deegaanada Soomaaliland.

Dhowaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in la dhisi doono Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka hor Doorashada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-